Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Tirada Askarta Isreal looga dilay Magaalada Rafax oo korortay

Arbaco 29, May 20224 {HMC}  Ciidamada Israel ayaa khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu kasoo gaaray duullaanka ay ku qaadeen magaalada Rafax , xilli ciidamada Yahuuda dhankooda ay dad badan halkaasi ku dilayaan.

 

Milatariga Israel ayaa qirtay in saddex askari oo katirsanaa ciidankooda gaar ahaan guutada Nahal lagu dilay magaalada Rafax, askartan ayaa la sheegay in ku dhinteen qarax ka dhacay dhismo ay ku sugnaayeen.

 

Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay in sidoo kale sarkaal sare oo ciidanka katirsanaa iyo labo askari ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa ka dhacay magaalada Rafax.

 

Askarta Israel kaga dhimatay ilaa markii uu dagaalka bilowday magaalada Gaza ayaa hadda gaartay 639 askari, waxaana 290 kamid ah askartaasi ku dhimatay markii uu bilowday howlgalka dhulka.

WARARKA