Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya oo safka hore Ka Gashay Xukunnada dilalka Caalamka laga Fuliyo

Arbaco 29, May 20224 {HMC} Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ee fadhigeeda dhexe ku yaallo caasimadda dalka UK ee London ayaa waxay maanta oo Arbaco ah soo saartay warbixinta sanadlaha ee taxanaha dalalka ugu badan xukunnada dilalka ee la fuliyey sannadkii la soo dhaafay ee 2023-kii.

Warbixinta waxaa lagu xusay in wadar dhan 1,153 xukunno dilal ah la fuliyey, oo ay u dheer tahay kumanaan la rumeysan yahay in lagu dilay dalka Shiinaha

Warbixinta waxaa lagu muujiyey shanta waddan ee tirada ugu badan ee xukunnada dilalka ee dhacay sannadkii hore ee 2023-kii, waxayna kala yihiin Shiinaha, Iran, Saudi Arabia, Soomaaliya iyo Maraykanka.

Warbixinta Amnesty International waxaa lagu shaaciyey in Shiinaha lagu dilay kumanaan qof (, Iran waxaa xukunnada dilka lagu fuliyey ugu yaraan 835 qof, dalka Sacuudiga waxaa lagu dilay 172 qof, halka Somalia la fuliyey ugu yaraan 38 qof, halka Mareykanka lagu fuliyay xukun dil ah 24 qof , waa sida lagu xusay Warbixinta sannadlaha ee Amnesty International ee xukunnada dilalka ee dhacay sannadkii hore ee 2023-kii.

Dhinaca kale, Warbixinta Sanadlaha ee Amnesty International waxaa lagu soo bandhigay inay jiraan shan waddan oo aan xukunnada dilalka laga diiwaan-gelinin, kuwaasi oo kala ah: Belarus , Japan, Myanmar iyo South Sudan.

WARARKA