Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Israel oo sheegtay in dagaalka uu soconayo sanadka oo dhan

Arbaco 29, May 20224 {HMC} La taliyaha ammaanka qaranka ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in uu filayo in dagaalka Gaza uu sii socon doono inta ka hartay sanadka.

Tzachi Hanegbi ayaa sidoo kale sheegay in militeriga Israel ay hadda gacanta ku hayaan 75 % dhulka u dhexeeyay Gaza iyo Masar ee loo yaqaan marinka Philadelphia.

Militeriga Israel oo weli wada howlgalkeeda Rafax ayaa sheegay in 3 ka mid ah askartooda la dilay iyadoo 3 kalena ay si xun ugu dhaawacmeen.

Hadalka Hanegbi waxaa uu u muqdaa in Israel aysan diyaar u aheyn in ay u hogaansanto baaqyada caalamiga ee ah in ay xabadjoojin kala xaajoogto Xamaas iyagoo ku beddelenaya in la sii daayo la haystayaasha

WARARKA