Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yemen oo sii daayay in kabadan 100 maxaabiis ah

Isniin 27, May 2024, {HMC} Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay sii daayeen ku dhawaad boqol maxaabiis ah oo u xirnaa.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in go’aankani yahay mid ay si iskooda ah u qaateen oo hal dhinac ah.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa Axaddii xaqiijisay sii deynta 113 maxbuus, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay gacan ka geysatay siideynta maxaabiista iyada oo la eegayo arrimo bina’aadannimo.

Balse dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in dadka la siidaayay aysan ahayn askar, balse ay ahaayeen dad rayid ah oo Xuuthiyiinta ay ka qafaasheen guryaha, masaajidda iyo goobaha shaqada.

Xuutiyiinta iyo dowladda fadhigeedu yahay Cadan ee caalamku aqoonsan yahay ayaa dalkaasi ku dagaalamayay tan iyo 2014-kii.

Dagaalka Yemen ayaa waxaa ka dhashay xaaladdi bina’adanimo ee ugu darneyd sida ay Qaramada Midoobey sheegtay.

WARARKA