Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xildhibaan Xaadoole oo si layaab leh ugu hadlay aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo xaflad uga qeyb galay degmada cusub ee Gubadley ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo habeeno ka hor sheegay in aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam uu uga dhiganyahay inuu helay degmadii uu doorashada ka soo geli lahaa.

Xaadoole ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa Muqdisho, balse intii uu maqnaa uu hadlay Xildhibaan is xijiyey degmada Daarusalaam oo Xaadoole uu magaceeda ku sheegay Ratiweyne oo ah xaafad ka mid ah degmadaas dhowaan la aqoonsaday.

“Hadalka xildhibaankaas inaan ka jawaabo ma rabin, laakiin hadana waxaan metelaa dadkii isoo doortay, aniga kursigeyga degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ayaa deegaan doorashadiisa ah, Mudulood hadii baari uu ahaan jiray hadda waxaa soo baxday dhalinyaro aad ugu xiran Socail Media-ha ee yeysan idin kala dafin,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhibtay kelmeda ah “Xamar yaa leh” isagoo dalbaday in dadka la soo wado oo la tuso daafaha Muqdisho sida loo degan yahay, si ay u ogaadaan cidda Xamar iska leh.

Xildhibaan Xaadoole oo sii hadlaayey ayaa sheegay in xadgudub iyo war xumo tashiil uusan ogoleyn, balse uu jeclaan lahaa in la is xushmeeyo, “Yaan cidna lagu xad gudbin, laakiin hala xisaabtamo, Xasan Sheekh oo madaxweyne Soomaaliyeed ah, ma ahan in xuquuqda Mudulood ay dartiis u lunto,” ayuu yiri.

Maamulka Degmada Gubadley ayaa lagu qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.

WARARKA