Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

PUNTLAND oo beenisay warar shalay kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Maamul goboleedka Puntland ayaa ka horyimid qoraal shalay kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgal culus oo ka dhacay buuraha Calmadow ee maamulkaasi, kaas oo ay dowladdu sheegtay inay fuliyeen ciidanka Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, laguna dilay in ka badan 20 ka tirsan Shabaab.

“Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland” ayaa lagu yiri bayaanka shalay kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa beenisay sheegashada dowladda ee fulinta howlgalkaasi, waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi lagu sheegay in uusan jirin howlgal ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen deegaanada Puntland.

“Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland, waxay bulshada Puntland, guud ahaan Soomaaliya iyo Adduunkana la wadaagaysaa in an waxba kama jiraan tahay wararka ay faafisay Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo ay ku sheegeen in ciidanka SNA ay howlgal amni ka fuliyeen deegaanada Calmadow ee Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Puntland ayaa ku dooday in amnigeeda ay ku filan tahay, isla markaana deegaanadeeda aysan joojin ciidan ka tirsan dowladda dhexe.

“Dowladda Puntland iyadaa amnigeeda ka shaqeysa, waxaana deegaanada Calmadow ku sugan ciidanka difaaca dowladda Puntland, sidaas darteed ma jiro wax ciidan SNA ah oo ka howlgala ama ku sugan Puntland” ayaa mar kale lagu qoraalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay ” Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay u taagan tahay in dalka laga caribtiro Argagxisada”.

Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa horay uga dhexeeyay khilaaf siyaasadeed oo saameeyay wada shaqeynta labada dhinac, ayada oo gebi ahaan uu go’an xiriirkooda.

WARARKA