Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

GUBADLEEY oo looga dabaal-degay aqoonsigii uu siiyay madaxwayne Xasan Sheekh.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo lagu dabaal-dagay aqoosiga degmonimo ee uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, taas oo xalay ka dhacay degmada cusub ee Gubadley.

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay duqa magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaare hore Cali Maxamed Geedi, golayaasha dowladda, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha maamulka deegaanka Gubadley, Cabdullaahi Nuur Kaalibey oo madaxda qaranka uga mahadceliyay aqoonsiga degmnimo, wuxuuna sheegay inay tahay guul wayn oo usoo hoyatay reer Gubadley.

Cali Maxamed Geeddi oo isna hadal kooban ka jeediyay madasha ayaa ka sheekeeyay marxaladaha ay soo martay degmadan oo la aas aasay sanadkii 1985, wuxuuna sheegay in macno wayn ay ku fadhiso in Gubadley loo magacaabo degmo rasmi ah, isaga oo ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh, duqa Muqdisho iyo wasiirka arrimaha gudaha.

Intaas kadib Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadalka qaatay ayaa qiray in shacabka Gubadley ay dulqaateen, balse ugu dambeyn ay guuleysteen, wuxuuna kula dardaamay inay ka wada shaqeeyaan horumarinta degmada.

“Deegaanka Gubadley waa dulqaatayoo caawa degmo ayuu u dabaal-dagayaa. Xamar waa isku cakiran tahaye aan u wada duubano” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Todobaadkii hore ayaa madaxweynaha Soomaaliya ansixiyay saddex degmo oo kala ah Gubadley, Garasbaaley iyo Daarusalaam oo gobolka Banaadir ka dhigay 20 degmo, waxayna tallaabadan kusoo aaday, xilli loo diyaar garoobayo doorasho qof iyo cod ah.

WARARKA