Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Xamaas oo gacanta ku dhigay maxaabiis cusub oo Israa’iiliyiin ah.

Isniin 27, May, 2024 {HMC} Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in ay ku qabsadeen askar Israa’iliyiin ah waqooyiga Gaza. Afhayeenka guutada Al-Qassam oo ah garab militeri ee Xamaas, Abu Cubeyda, ayaa ku dhawaaqay in askar cusub lagu qabsaday marinka Gaza.

Muuqaal fidiyoow ah oo laga soo duubay Abu Cubeyda ayuu ku sheegay in dagaalyahannada Al-Qassam ay ku qabsadeen askar Israeliyiin ah marinka Gaza.

“Mujaahidiinteenu waxaa u suuragashay in Jabal-Cali ay ku qabsadaan askarta,” ayuu yiri. Wuxuu intaa ku daray Afhayeenka in ciidamada la qabtay ay isugu jiraan kuwa geeriyooday, kuwa dhaawac ah iyo kuwa la qabtay.

Afhayeenka ciidamada Israel, Daniel Hagari, ayaaa bartiisa X ku beeniyay in askar la qabasaday. “Ma jiraan askar la qabsaday”.

Ciidamada Israel ayaa weli duqeynaya Gaza iyo hareeraha magaalada Rafax. Shaqaalaha caafimaadka ee Falastiin waxay sheegeen in dad ka badan 40 qof lagu dilay weeraradan oo ka dhacay qeybo kala duwan oo Gaza ka tirsan.

Dhinaca kale, Xamaas ayaa sheegtay in ay gantaallo ku weerartay dhinca Tel Aviv markii ugu horeysay ku dhawaad afar bilood.

Ugu yaraan sideed gantaal oo laga soo tuuray agagaarka Rafax ee koonfurta Gaza ayaa laga hortagay sida ay sheegeen militeriga Israel. Lama soo sheegin in ay cid wax ku noqotay.

Dhawaqa digniinta in gantaalo soo dhacayaan ayaa laga maqlayay magaalooyin ay ka mid yihiin Herzliya, Petah iyo Tikva.

Warbaahinta Israel ayaa baahisay muuqaallo firirka gantaaalada oo ku soo dhacay beerta dhismo ku yaal Herzliya.

Sidoo kale muuqaal la soo dhigay baraha Bulshada ayaa muujinaya god weyn uu sameeyay madfac ku soo dhacay meel bannaan oo u dhow magaalada Kfar Saba.

WARARKA