Axad, 26, May 2024 {HMC} Waxaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho soo gaaray wafdi Xildhibaano ah oo ka socday Baarlamaanka dowladda Kenya, kuwaasi Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu soo dhaweeyay
Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil { Fartaag}oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaannada
Xildhibaannada Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas ayaa kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow
Mas’uuliyiintan ayaa ay ku sugan yihiin caasimadda Muqdisho aya waxa kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan madaxda dalka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed, iyagoona kala hadli doona arrimo ay kamid yihiin sii xoojinta xiriirka labada dal.