Jimco, 24 May, 2024 {HMC} – Hay’adda howlgalada ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingriiska ‘UKMTO’ ayaa sheegtay in kooxo ay gudaha u galeen Markab ganacsi oo marayey meel 420 nautical miles koonfur bari kaga beegan xeebta degmada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose dhanka barina ka xigta magaalada Muqdisho.
Qoraalka ay soo saartay UKMTO, ayaa lagu sheegay in koox an tiradooda la garanayn oo watay laba doonyo ah ay fuuleen markabka.
Dhanka kalana war-saxaafadeed kooban oo ay soo saareeen howlgalka Atlanta ee Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya ku sugan ayey ku xaqiijiyeen digniinta laga soo saaray weerarka looga shakinsan yahay burcad baddeed Soomaali ah ee markabka lagu qaaday.
Sida laga soo xigtay Traffic Marine, markabka ayaa lagu magacaaba BASILISK, waxaa ka dul babanaya calanka dalka Liberia.
Markabka ayaa ka soo safray magaalada dekada leh ee Mindelo oo ku taal waqooyiga jasiiradda São Vicente ee dalka Cape Verde isagoo ku sii jeeday dakadda Jabal Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.
Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ATALANTA ee ku sugan agagaarka ayaa bixiyey jawaabtii ugu horeysay ee digniinta.
Warbixinta EUNAVFOR ATALANTA, ayaa lagu sheegay inay qaadayaan tallaabooyinka ku habboon si ay uga jawaabto si waxtar leh.
Weerarada Burcad baddeeda
Intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2018, budhcad badeeda Soomaalida waxay dhibaato ka geysteen biyaha xeebaha Soomaaliya iyo kuwa caalamigaa, waxayna weeraradoodu halis galiyeen ganacsiga dunida.
Laakiin waxay dib howlgaladooda u soo celiyeen sanadkii hore markaas oo tiro aan badnayn maraakiib ganacsi ay ka soo afduubeen biyaha caalamiga sida ay sheegeen haya’addaha ammaanka ee Puntland.
Maraakiib ganacsi oo ka mid ahaa MV Abdullah oo laga leeyhaya dalka Bangaladesh iyo MV RUEN yaa laga leeyahay dalka Bulgaariya balse ku gooshayey calanka dalka Malta ayaa ku dhacay gacanta burcad Baddeeda Soomaalida.
Hase yeeshee Ciidamada badda Hindiya ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyey toddobo iyo toban shaqaale ah oo saarnaa markabka MV Ruen oo muddo saddex bilooda gacanta ugu jiray burcad baddeeda Soomaaliya, sida aybaahiyeen ciidaamadda badda ee Hindiya
Warar an madaxbanaan u xaqiijin Karin ayaa sheegay in markabka MV Abdullah,burcad baddeedu ka qaateen lacag madax furasho ah, basle markabka ayaa la sii daayey.
Ciidamada badda ee Hindiya ayaa howlagaladii ay ka fuliyen xeebaha Soomaaliya waxay gacanta ku dhigeen ilaa 35 ruux oo burcad baddeed Soomaali ah ay ku sheegeen markii danbana la geeyey dalka Hindiya.
Puntland oo xeebaheeda inta badan la geeyey maraakiibtii la soo afduubay dhammaadka sanadkii tagay iyo bilowga sanadkan ayaa sheegtay inay dhanka bariga ka bilaabeen howlgalo ciidan oo ay kaga hortagayaan burcad baddeeda oo xeebahooda ku sii bata.
Galmudug iyo Puntland ayaa bilowgii sanadihii 2008-dii ilaa 2010-kii ahaa deeganada ugu badan ee xeebahaas lagu haystay maraakiib la soo afduubay.
Maxaa xilligan keenay weerarada burcad baddeeda ee Soomaaliya
Sida uu horraan sheegay Cabdirisaaq Maxamed Dirir Ducaysane, oo ah soo noqday agaasimihii la dagaalanka Burcad baddeeda Puntland xilligii ay deeganadaasi ku xooganayaan ayaa ‘qaba in kororka kalluumaysiga sharci daradaa oo an wax laga qaban ay abuurayaan falalkan burcad baddeeda’
Sidaas oo kale iskaashatada kalluumaysata ee degmada Eyl ayaa sheegay in xeebaha ay si xowli ah ugu bateen doonyaha laga leeyahay Iiraan ee sida ba’an ugu kalluumaysanaya xeebaha kuwaas oo sida ay sheegeen dhibaato ku haya kuwa maxaliga ah.
Soomaaliya ayaa dhawaan heshiis difaac oo ay la gashay dalka Turkiga ku sheegtay in qayb ka tahay heshiiska in Turkigu ilaalinayaan qayraadka xeebaha Soomaaaliya.