spot_imgspot_imgspot_img

Maxaa Ka Jiro in QM aay qaadayso tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka PUNTLAND iyo DF Soomaaliya?

Axad, May, 19, 2024 (HMC) โ€“ Wakiika gaarka ah ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa qaaday tallaabo culus oo la xiriirta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Puntland kadib booqasho ay ku tegtay Garoowe.

Catriona Laing ayaa la kulantay madaxweyne Saciid Deni, ayada oo kala hadashay sidii uu u furi lahaa wada-hadal uu la galo dowladda, si xal looga gaaro khilaafka dhexdooda ah.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa sidoo kale laโ€™isla soo hadal qaaday arrinta dastuurka oo ah midda dhalisay xiisada u dhexeysa labada dhinac, kana carootay Puntland.

โ€œIyada oo sii wadda kulamada sagootinta ah oo ay la qaadaneysay madaxda Soomaaliyeed, ayey Ergayga Gaarka ee Qaramada Midoobay Catriona Laing maanta booqatay Garoowe, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni iyo golahiisa wasiirada, iyagoo ka wadahadlay taageerada Qaramada Midoobay ee dhinaca horumarka iyo baahida loo qabo wada-hadal loo dhan yahay oo dhex mara DFS iyo Puntland oo ku aaddan hannaanka dastuurka Soomaaliya ee hadda socdaโ€ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNSOM.

โ€œAnnigana dabcan, waxaan u soo jeediyay kaalinta โ€˜xafiisyada wanaagsanโ€™ ee QM si ay arrintaasi ugu taageeraan,โ€ ayay hadalkeeda ku dartey Ms. Laing.

Dhinaca kale waxay Puntland iyo QM ka wada-hadleen arrimaha hortabinta leh oo ay ugu horreeyaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii looga wada shaqey lahaa labada dhinac.

โ€œWaxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Deni oo waqti ina siiyay isagoo shir kale lahaa โ€“ Maanta wuxuu kulankiisii ugu horeeyay la yeelanayaa golahiisii wasiirada ee cusub kaas oo ay kaga wada hadlayaan qorshayaasha horumarinta iyo sidii ay horey ugu sii wadi lahaayeenโ€ ayay tiri Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Waxaa kale oo ay raacisay โ€œMowduucaasi wuxuu ka mid ahaa mowduucyadii aynu ka wada hadalnay,โ€ ayay tiri iyadoo hadlkeeda sii wadata โ€œiyo [sidoo kale] kaalinta ay QM ka qaadan doonto taageeridda tiirarka kala duwan ee qorshahooda horumarinta โ€“ waxaan ku faraxsanahay in aan sheego in uu hammi sare u hayo hawshaasi.โ€

Si kastaba, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaqadeeda soo gebogeboobeyn doonta goor dambe oo bishan Maajo dhexdeeda ah, waxayna maalmahan dambe kulamo macaslaameyn ah la yeelanaysay hoggaamiyeyaasha Dowlad-goboleedyada Soomaaliya, iyo sidoo kale madaxda ugu sarreysa ee dowladda Soomaaliya.

WARARKA