spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Tahay Sababta keentay in Madaxweyne hore iyo labadiisa Wiil aay cuntada ka soomay?

Arbaco-15-May-2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee dalka Gabon, Cali Bongo iyo labadiisa wiil ayaa xaalad adag ku wajahaya xabsi ay ku xiran yihiin, waxa ayna goโ€™aansadeen in ay cuntada ka soomaan si xaaladooda wax looga qabto.

Qareennada iyo qoyska Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa sheegay in tacadi iyo jirdil loo geesto Madaxweynaha iyo wiilashiisa laguna dhax ciqaabo xabsiga, waxa ayna xuseen in hadda ku jiraan bannaan-bax cunto kasoo mid ah.

Madaxweynihii hore ee dalka Gabon ayaa af-gembi milatari xilka looga tuuray wax yar kaddib markii uu ku guuleestay doorasho lagu murmay oo dhacday bishii Agoosto ee sanandkii hore 2023.

Milatariga talada dalka Gabon xoogga kula wareegay ayaana xabsiga dhigay Madaxweynihii hore ee dalka Gabon iyo labadiisa wiil, waxa ayna ku eedeeyeen in ay ku kaceen musuqmaasuq iyo ku-takrifal awoodeed.

Madaxweynaha la af-gembiyay ayaa xilka dalka Gabon soo hayay 2009-kii ilaa 2023-dii, waxa uuna xilka ka dhaxlay aabihiis oo dalka Gabon xukumayay muddo ka badan 40-sanno, waxa uuna ninkii Madaxtooyada ku dhax barbaaray hadda ku jiraa xabsi.

WARARKA