Monday, September 23, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmaya iyo qadobo xasaasi ah ay wataan madaxda qaarkood.

Talaado, 14, May, 2024 {HMC} Waxaa maanta la filayaa in uu furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan oo lagu balansanaa inuu furmo bishii hore ayaa arrimo farsamo darteed dib ugu dhacay, waxaana maanta lagu wadaa inuu ka furmo Villa Somalia.

Sanad kahor, bishii May 2023 ayay ahayd markii golaha ay soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen oo ahaa; 1- in la qabto doorasho qof iyo cod oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed, 2- in bisha June ee sanadkan 2024 ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah golaha deegaanka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, 3- dhammeystirka dastuurka iyo 4- in nidaamka madaxtinimada dalka ay noqoto madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen.

Inkasta oo dooddii baarlamaanka labada Aqal ee afarta cutub wax ka bedelka dastuurka waxa ka beddel lagu sameeyay qodobada qaar ee heshiiskaas, lagana dhigay in nidaamka madaxtinimada madaxweyne iyo ra’iisul wasaaraha awoodihiisa la dhimay oo madaxweynuhu eryi karo.

Shirka Golaha Wadatashiga ee maanta lagu wado inuu furmo ayaa waxaa kasoo qeyb-gali doonin madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka.

Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka.

Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka maanta furmaya inay ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hadda heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka.

WARARKA