Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kumannaan ka barakacay dagaalka ka socda Ukraine oo xaalada adag wajahaya.

Isniin-13-May-2024 {HMC} In ka badan 4,000 oo qof ayaa ka qaxay aagagga ku xeeran gobolka waqooyi bari ee Ukraine ee Kharkiv tan iyo Jimcihii, ka dib markii ciidamada Ruushku ay weeraro rogaal celis ah oo lama filaan ah ku qaadeen aagaas.

Guddoomiyaha deegaankaas Oleg Syniehubov ayaa Axaddii shalay sheegay in guud ahaan, in ka badan 4, kun oo qof laga saarayg goobahaas.

Ciidamada Ruushka oo adeegsanaya madaafiic iyo hoobiyeyaal ayaa si weyn u garaacayay magaalooyinka iyo tuulooyinka ku dhow dhow Kharkiv.

Ugu yaraan hal cutub oo ciidamada Ukraine ah ayaa isaga baxay gobolka Kharkiv iyadoo ciidamada Ruushku ay la wareegayaan aagagga ku yaalla xadka Ruushka.

WARARKA