Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Hirshabelle oo dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf

Isniin, 13, May, 2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa dhambaal hambalyo iyo duco ah u diray Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo noqday Ugaaska 21-aad ee Beesha Xawaadle.

Dahara Ugaas oo hoostagta degmada Halgan ayaa maanta lagu caano-shubbay Ugaas Yuusuf iyadoo xariirta loogu xiray deegaanka Ceeldheere.
Duubka Ugaas Yuusuf waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle.

“Maanta dhacdo dhaqan oo weyn ayaa ka dhacday degmada Halgan. Ugu horreyn hambalyo Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, Alle waxaa ka rajeynayaa inuu kula garab-galo hoggaanka dhaqan ee maanta laguu idmaday.”

Ugu dambeyn Madadweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa u rajeeyay shacabka Hirshabeelle midnimo, nabad iyo barwaaqo isagoo xusay in geeddigaas ay kaalin weyn ku leeyihiin dhaqanka labada Gobal ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

 

DHAMMAAD

WARARKA