Axad,12 May, 2024 {HMC} } Wafdi Balaaran ee Hogaaminayay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ugaas Khaliif ayaa manta si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan .Odoyaal dhaqameed, Dhalinyaro, Haween iyo Maamulka Degmada Halkan ayaa soo dhaweeyn heer Sare ah u sameeyey Wafdiga Ugaaska oo Safar dhullka ah ua soo amba baxay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,
Wafdiga Ugaaska ayaa Soo dhaweeyn kadib la dajiyay Goob gaar ah oo Magaalada halgan looga diyaariyay. Odoyaasha dhaqanka Degmada ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsan yahiin Soo dhaweeynta Ugaas Yuusuf Ugaas Khiif oo bire oo Taariikhda ku began tahay 13 may lagu Caano Shubayo Daara-Ugaas oo ah Duleedka degmada Halgan.
Masuuliyiinta Ugaaska la socday ayaa Dhankooda ka mahad Celiyay Soo dhaweeynta Ugaaska loogu sameeyey Degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan. Boqolaal dadweyne ah iyo Ciidamo doonayo In ay ka qeeyb galaan Caleema-saarka Ugaaska ayaa manta ka baxay Magaalooyinka Baladweyne, Buulo Bure , Jalalaqsi, Maxaas iyo Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.