Sabti, 11 May, 2024 {HMC}ย Wakaallada Wararka Faransiiska ee AFP ayaa heshay dukumiinti sir ah oo muujinaya dalab dowladda Ciraaq ku dooneyso in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee hawlgalka taageerada dalkaasi ee UNAMI.
Raโisul Wasaaraha dalka Ciraaq Maxamed Shiyaac Al-Suudaani ayaa qoraal uu u diray Golaha Ammaanka ee QM ugu sheegay in ay doonayaan in la xiro 31-bisha December ee sannadka soo socda ee 2025-ka xafiiska QM ee UNAMI.
Waxa uu sheegay Raโisul Wasaare Al-Suudaani in xukuumadihii ka horreeyay ay hormaro ka gaareen sidii looga maarmi lahaa shaqada uu hayo xafiiska UNAMI oo dalka Ciraaq laga furay sannadkii 2003-dii.
Codsigan kasoo yeeray dowladda Ciraaq ayaa kusoo aadaya xilli isbuucan gudihiisa kulan khaas ah kaga doodi doonaan xubnaha golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusbooneysiinta xilli hawleedka hawlgalka UNAMI oo ku eg dhammaadka bishan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale Qaramada Midoobay uga dalbatay in la xiro oo meesha laga saaro howlaha xafiiska kaalmeynta Qaramada Midoobay ee UNSOM, kaas oo Soomaaliya ka shaqaynayey muddo ku dhow 30 sano.