Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

DF oo ka laabatay go’aankii UNSOM taas badelkeedane wado qorshe kale oo xasaasi ah.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay todobaadkii hore ku dalbatay in lagu xiro xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (UNSOM), iyada oo markaas sheegtay in horumar ballaaran ay ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, sidaas daraadeedna ay door bideyso madax-bannaanida horumarkeeda mustaqbalka.

“Ka dib markii aan si qoto dheer u tixgalinay muhiimada istaraatiijiga ah. Waxaan jeclaan lahayn inaan muujinno in hadda ay habboon tahay in loo gudbo wejiga xiga ee booskayaga. Waxaan kalsooni ku qabnaa in aan sii wadi doono dadaalladayada ku aaddan joogteynta nabadda iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed horay uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Kadib cadaadis ay la kulantay dowladda federaalka ayaa ka laabatay go’aankaas ay ku dalbatay in la hakiyo shaqada xafiiska UNSOM, ayada oo qoraal toos ah u dirtay QM.

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in haatan ay dooneyso in la magacaabo guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doono, sidii dib loo qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya.

Sidoo kale warqada cusub oo ay dirtay dowladda ayaa waxaa lagu cadeeyey in ay diyaar u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka ee UNSOM.

Tallabadan kadib ayaa waxaa si toos ah u wada-hadlay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM oo sameeyay xiriir khadka taleefoonka ah, iyaga oo heshiis ku gaaray magacaabida guddi gaar ah oo dib u qiimeynaya shaqada xafiiska UNSOM.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo waajibaadka xafiiska QM EE (UNSOM) uu ku eg yahay marka la gaaro dhammaadka bisha Oktoobar ee sanadkan 2024-ka.

WARARKA