spot_imgspot_imgspot_img

{ DAAWO SAWIRADA} RW Xamse Barre oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Xamse Barre iyo xubno la socday waxaa xarunta safaaradda kusoo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa ayaa bogaadiyey shaqada ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si siman ugu adeegaan bulshada, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin.

Xamse Barre oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa booqashooyin kala duwan ku tagay xarumo caasimadda kuyaalla, waxa uuan la kulmay ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

WARARKA