Sunday, September 22, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada Dowladda oo soo qabtay Shidaal iyo Agab kale oo loo waday kooxda AS.

Sabti, 11 May, 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe Jimcihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere, kaas oo lagu beegsaday kooxda AS.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Howdley ayaa waxaa si gaar ah u qaaday ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo iyana ka soo baxay dhanka degmada Ceel-dheer, kuwaas oo waddada u galay agab loo waday AS.

Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan shidaal ay halkaas kala soo dageen AS, isla markaana lagu jeenay doon, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo waday shidaalka iyo gaari nooca raaxda ah oo ay wateen, kuwaas oo loo soo bandhigay warbaahinta.

“Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab iyo gorgor oo kaashaanaya ciidanka Deegaanka oo iyana ka soo baxay degmada Ceel-dheer ayaa howlgalo ka sameyay deganka howdley oo duleedka degmada Xarardheere ciidanka waxa usuurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 150 jirgan oo shidaal ah oo halkaasi dooni keentay isla markaana loo waday cadawga khawarijta.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Sidooo kale waxaa lasoo raaciyay “Waxaa ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku luglahaa soo dejinta shidalka kuwaasi oo baaritano ay ku socdaan”.

Horay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa sidan oo kale u fashliyay hub iyo saanad ay doonayeen inay kooxda AS kala soo dagaan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo deegaanada badan ka xoreeyay kooxda.

WARARKA