Talaado-23-April-2024 {HMC} Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir Isbarasho ah iyo soo dhaweyn gaar ah kula yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.
Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka…
“Sida aan la socono aduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa,Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahantihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa Fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed….ayuu yiri ๐ช๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฟ ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ.
๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ต๐ถ๐ฟ๐ธ๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐ด๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ถ๐ถ๐ป๐๐ฎ ayaa ka Mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.