Talaado-23-April-2024 {HMC} Iska hor imaad dhexmaray rag hubeysa kana dhashay dhul, la isu qabsaday aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga Garoowe ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca labo kale.
Ciidanka Booliska Caasimada ayaa dhankooda wada dadaalo lagu baajinayo arintaan, Nabadoona iyo wax garadka Caasimada ayaa dhankooda ku hawlan isii loo soo af jari lahaa xiisada ka dhalay dhulka la isu qabsaday.
Ciidmada Booliiska ayaa wararku sheegayaan iney ku hareereysan yihiin koox dabley ah oo tacshiirad ku furtey koox kale halkaas ku dileen qof kuna dhaawac een mid kale.