Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

ITOOBIYA oo mar kale ku celisay in ay ka go,antahay dhaqangelinta Heshiiskii ay lagashay SOOMALILAND.

Axad-21-April-2024 {HMC} Itoobiya ayaa sheegtay inay ka goโ€™an tahay fulinta is-afagaradkii ay la gashay Somaliland, islamarkaana carada dowladda federaalka ee arrintan ku aadan ay tahay wax aan dhaafsiisneyn dib u dhaca ku-meel gaar ah.

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Abdulaziz Ahmed Adem, oo ah la-taliyaha sare ee hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISS), sidoo kalena la-taliye u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxa uu hadalkan ka jeediyey shir ku saabsanaa amniga gobolka Geeska Afrika oo uu soo abaabulay Machadka Arrimaha Dibedda, kaasi oo ka dhacay Skylight Hotel Addis-Ababa, 19-kii April.

Abdulaziz ayaa ku dooday in helitaanka Itoobiya ee marin badeed ay sahli karto kobaca wadajirka ah ee Itoobiya, iyo Soomaaliya oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,000 oo kilomitir.

Abdulaziz waxa uu ku tilmaamay diidmada Muqdisho ee heshiiska Itoobiya ay la gashay Somaliland inay tahay โ€œdib u dhac,โ€ isagoo ku macneeyey isku day ay dowladda federaalka ku weecineyso caqabadaha siyaasadeed ee ka haysta gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto heshiiska, oo qeyb ka ah sida ay uga goโ€™an tahay is-dhexgalka gobolka.

โ€œItoobiya waxay soo dhawaynaysaa dadka ka socda dhammaan dalalka deriska ah, gaar ahaan Soomaaliya,โ€ ayuu yiri. โ€œWaa u muhiim labada waddanba inay u midoobaan kooxaha argagixisada loo aqoonsaday sida Al-Shabaab, Daacish iyo kuwa dadka tahriibiya. Haddii aan si wadajir ah u shaqeyno, waan horumari karnaa oo aan ka gudbi karnaa caqabadaha, intii aan ka hortagi lahayn heshiis aan la joojin karin,โ€ ayuu yiri Abdulaziz.

Waxa uu ugu baaqay dalalka gobolka inay ahmiyadda siiyaan iskaashiga iyo barwaaqada, wuxuuna dib u xaqiijiyey in Itoobiya ay ka goโ€™an tahay nabadda iyo wada-shaqeynta dalalka deriska la ah.

Abdulaziiz waxa uu xusay kaalmaynta milatari ee Itoobiya ay ka geysatay dadaallada nabad ilaalinta ee Suudaan iyo Soomaaliya.

Wuxuu ka digay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay inay halis ku keeni karto Itoobiya iyo sidoo kale gobolka oo dhan.

โ€œCiidankeenu wuxuu Soomaaliya u sameeyey naf-hurnimo la taaban karo, haddii ay ahaan lahayd xudduudaheeda iyo nabadda. Waxaa naga goโ€™an inaan horumarino xiriir nabadeed oo aan la yeelanno deriska, waxaana diyaar u nahay inaan sameyno dadaallo dheeraad ah oo ku aaddan yoolkan. Waa lama huraan in iyaga iyo kuwa kaleba ay ogaadaan sida aan ugu heellan nahay arrimahan,โ€ ayuu yiri.

Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1, 2024 kala saxiixdeen Raโ€™iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah.

Abiy Axmed ayaa horay u carrabka ugu adkeeyay in Itoobiya ay muhiim u tahay inay hesho marin badeed, arrintaas oo sii xoojisay xiisadda ka taagan Geeska Afrika.

WARARKA