Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Farriin sir ah oo laga helay sida ay Iiraan dhaqaale ugu wareejisay Xamaas

Axad 14 April , 2024 {HMC} Sida uu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa la helay waraqo qoran oo loo diray nin lagu magaaco Abu Ibrahim, oo dunida inteeda kale u taqaan Yahya Sinwar oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, taas oo muujinaysa in waraaqahani ay faahfaahinayaan “jadwalka lacag bixinta” ee Iran ee Xamaas intii u dhaxaysay sanadihii 2014 iyo 2020.

Wargeysku wuxuu sheegay in arrintan la ogaaday intii lagu jiray dagaalka Qasa, ayna ku andacoodeen ciidanka Israa’iil inuu yahay “caddayn dhammaystiran oo taxane ah oo lacag-bixinno ah oo muujinaya heerka ay le’eg tahay maalgelinta joogtada ah ee Tehran ay siiso kooxda ka daga dagaalka Falastiin.”

Warqadaha oo ka koobnaa labo ayaa wargeysku sheegay in mid ka mid ah ay ahayd mid gacanta lagu qoray, taas oo uu qoray madaxa shaqaalaha ee garabka militariga ee Xamaas Marwaan Ciise, uuna ku saxiixnaa “Abuu Al-Baraa”.

Waxay u muuqdeen inay ku jireen faahfaahinta ugu yaraan 222 milyan oo doollar oo ay Iiraan ku taageertay Xamas, sida lagu sheegay nugul gaar ah oo uu helay Time

Waxaa la rumeysan yahay in Marwaan Ciss alagu dilay bishii hore weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla Nuseirat ee bartamaha marinka Qasa.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Sinwar, Cissa, iyo taliyaha guud ee militariga Xamaas, Muhammad Deif, ay qorsheeyeen weerarkii lama filaanka ahaa ee lagu qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.

Wargeysku waxa uu sheegay in fariinta ugu horeysa ay ku beegan tahay sanadka 2020,waxana ay muujinaysaa lacagaha ay Iran bixisay bishii July 2014,halka Xamaas ay dagaal hore kula jirtay Israa’iil.

Wadarta guud ee lacagaha Xamaas ka heshay Iran mudo lix sana ah ayaa lagu sheegay inay dhan tahay 154 milyan sida uu wargeyska The Times wariyey.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in warqadda labaad, ee ku taariikhaysan Noofambar 2021, ay ku bilaabmayso: “Bismilaahi raxmaani raxiim. Walaalkayga qaaliga ah ee Abuu Ibraahim, Ilaahay ha xifdiyo, ka dibna waxa uu u soo bandhigayaa tafaasiil ku saabsan lacagihii ay Iran ka bixisay dagaalkii ay ku qaaday sannadkaas, kaas oo ay Xamaas ugu magac-dartay Hawlgalka. Seeftii Yeruusaalem,” sida warqadda lagu sheegay.

Dagaalka ka dib wargeysku wuxuu sheegay in Iran ay Xamaas ku wareejisay lacagtii ugu badnayd oo ahayd 58 milyan oo dollar.

Warqada ayaa sharaxaysa sida inta badan lacagta loogu qoondeeyey Ururka gaar ahaan garabka militariga ee Xamaas halka qadar yar oo lacagta ka mid loo qoondeeyey garabka siyaasadda balse waxaa xusid muddan in lacag gaaraysa 2 milyan si toosa loogu hagaajiyey Yaxya Sinwar.

Waxaa loo malaynayaa in lacagtaasi ay magaalada Bayruut ku soo gaartay si kaas ah iyadoo ka timi Iran, halkaas oo saraakiil ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Iran ay ku wareejiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin Xamaas, kaas oo wargeysku sheegay in uu yahay Siciid Izadi oo farriimahaas lagu sheegay inuu yahay Xaj. Ramadaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in Iran aanay wali ka jawaabin daahfurka fariimahaasi oo ay saraakiisha Israa’iil si qarsoodi ah u sheegeen in looga golleeyahay in lagu caddeeyo Tehran in aanay hadda ka dib ku dhuuman karin wakiiladeeda gobolka.

Badbaadi la haystayaasha, badbaadi Israa’iil

Wargeysku wuxuu sheegay in dilka qaar ka mida wiilasha uu dhalay Ismaaciil Haniyeh, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas, ay cakiri karto wada xaajoodyada lagu sii dayn karo la haystayaasha taas oo ay ka dhalan karto sida wergaysku sheegay “xukun dil ah oo lagu xukumo la haystayaasha,” fashilin lahaayeen.

Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa socda wax ka badan lix bilood kaas oo ay ka dhalatay xaalad bini’addanimo tii ugu darnayd sida ay sheegeen haya’addaha Qaramada Midoobay.

WARARKA