Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Sheekh Cali Wajiis oo sheegay in madaxwayne xasan sheikh uu weeraro madax goboleedyada

Axad 7, April ,2024 {HMC} Sheekh Cali Wajiis ayaa si cajiib ah uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka, isagoo tusaaleyn ka bixiyey waxa uu muteysanayo maamulkii ka hor yimaada amarrada dowladda dhexe.

Sheekh Cali ayaa sheegay in wadankaan loo dhaariyey oo dadka Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ay doorteen madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku taliyey in looga dambeeyo xukunka dalka.

“Hoggaanka umadda Soomaaliyeed ee sharciga ah waa Dr. Xasan Sheekh, cid ka hor imaa karta ma jirto, maamul goboleed, baarlamaan iyo xukuumad wax diidi kara amarkiisa ma jiraan, federaalku waa nidaamyada dowliga ah ee ugu casrisan caalamka, laakiin sida hadda aan u dhaqmeyno maaha federaal,” ayuu yiri Sheekh Cali.

Wuxuu soo hadal qaaday khilaafka Puntland iyo dowladda federaalka, ugu horeyn wuxuu ka digay in khilaafkaas la qabiileeyo, sidoo kale wuxuu Sheekh Cali ku taliyey in qof kasta dembiga uu geysto lagu xisaabo oo dad kale aan la garaafeyn.

“Maamul goboleedkii diida amarka dowladda, waxay xaq u leedahay dowladda dhexe inay weerarto oo awood adeegsato, soona xirto ninka ugu sareeya ee amar diidada sameynaya, dalkana kala jaraya,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Wuxuu sheegay in federaal la qabyaaladeeyey ay ku dhaqanto Soomaalidu, isagoo bogaadiyey qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh uu hadda ku saxaayo waxyaabihii ka qaldanaa dastuurka dalka.

“Puntland ayaa maalmahaan la hadal hayaa, dadka reer Puntland waa kuwa ugu wadanisan, uguna dowlad aqoon iyo kala dambeyn badan Soomaalida, marka dembi hal qof leeyahay umad dhan looma saari karo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Cali Wajiis ayaa caan ku ah in mar kasta uu taageero madaxweynaha xukunka jooga, sidoo kale hadalkiisaan wuxuu ku soo aaday iyadoo Puntland ay sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka.

WARARKA