Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Hadalhaynta Madaxtooyada Soomaaliya ee Isku Shaandhayn lagu sameenayo Golaha Wasiiradda…

Sabti 6, April ,2024 {HMC} Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay suurto gal tahay in isku shaandhayn kooban lagu sameeyo qaar kamid ah golaha wasiiradda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa in uu buuxiyo boosaska wasiirro dhowr ah oo ka bannaan xukuumadda, kuwaa ay kamid yihiin wasiiradda Arrimaha Dibadda , Amniga iyo sidoo kale Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Wararka soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in qaar kamid ah golaha wasiiradda loo kala beddeli doono boosaskooda, waxaana suurto gal ah in xilka laga qaado oo ay meesha ka baxaan qaar kamid ah wsiiradda Xukuumadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu horey isaga casilay Abshir Cumar Huruuse ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in loo magacaabayo Axmed Macalin Fiqi oo hadda ah wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa isna wararka sheegayaan in la geenayo booska wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya .

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu banneeyay safiiska Soomaaliya u jooga dalka Qatar ayaa iyana wararku sheegayaan in loo magacaabayo siyaasiga caanka ah Sen. Cabdullaahi Sheekh ismaaciil Fartaag.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale la filayaa in uu xilka ka qaado kuwa cusubna u magacaabo qaar kamid ah golaha wasiiradda, waxaana xukuumadda cusub kasoo dhax muuqan doono xildhibaanno ballanqaad horey loogu sameeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaana xildhibaanno badan u ballanqaaday xilal kala duwan ay kamid tahay in xukuumadda kasoo dhax muuqdaan, kaddib ansixintii wax ka bedelka afar cutub oo katirsan Dastuurka KMG.

WARARKA