Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay Taipei ee Caasimada Taiwan

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Dhul gariir xoogan ayaa ku dhuftay Taipei Caasimada Taiwan dhul gariirkan Ayaa dumisayay guryo Badan khasaar kale gaystay..

Dhulgariir xooggan oo cabirkiisu yahay 7.4 ayaa ku dhuftay Taiwan , taasoo keentay in Japan Oo u dhow ay soo saarto digniin tsunami ah.

Dhulgariirka ayaa xuddun u ahaa xeebta Hualien, oo ku taal xeebta bari ee Taiwan, sida ay sheegtay hay’adda sahanka dhulka ee Maraykanka. Maamulka Cimilada Dhexe ee Taiwan ayaa sidoo kale diiwaangeliyay gariir ka dib cabirka 6.5.

Xuddunta dhulgariirka ayaa qiyaastii 10 mayl ka hoos jirtay oogada dhulka, sida ay sheegtay Taiwan. Gariir ayaa laga dareemayay in ka badan hal daqiiqo magaalada caasimadda ah ee Taipei, halkaas oo wararka laga baahiyay ay muujinayeen muuqaalo dhismayaal gariiraya.

Dalka Japan, sida laga soo xigtay baahinta NHK, mowjadaha tsunami oo gaaraya 30 sentimitir ayaa durba bilaabay inay ku dhuftaan xeebta Jaziiradda Yonaguni sacadu markay ahayd 9:14 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah.

Dadka deggan jasiiradaha Okinawa, Miyako iyo Yaeyama ee koonfurta Japan ayaa loo sheegay inay ka fogaadaan meelaha xeebaha ah intii suurtagal ah. Sida laga soo xigtay NHK, tsunami ayaa la filayay in ay ku dhufato jasiiradaha wax yar ka dib 10 subaxnimo, oo leh mowjado gaaraya 3 mitir, ama 10 cagood, Miyako iyo Yaeyama.

WARARKA