Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

SoDMA Oo Soo Saartay Digniino La Xiriira Roobabka Gu’ga

Isniin 1, April 2024 {HMC} Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta soo saartay digniino la xariira robka guga kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar ah shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 {sida la isku raacay} waxay dalka intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April.

Roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooyi.

WARARKA