Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray degmada Xarardheere

Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaluya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo isugu jira labada gole iyo saraakiil ciidan ayaa goordhaw gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socday waxaa degmada Xarardheere kusoo dhaweeyay saraakiil katirsan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan bulshada degan Xarardheere.

Waxaa sidoo kale degmada Xarardheere gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa ayna labada Madaxweyne barxad kutaalla degmadaasi kula hadleen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidanka ee jooga degmada Xarardheere iyo odayaasha degmadaasi, kuwaa uu kala hadli doono xaaladda degmada iyo sidii la isaga difaaci lahaa Al Shabaab.

Xasan Sheekh iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale la filayaa in ay gaaraan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ka socoto qaban qaabada soo dhaweynata madaxweynaha Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay maanta mid kamid ah furumaha dagaalka ayaa imaanaya xilli uu joogsaday howlgalladii ka dhanka ahaa Al Shabaab ayna ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ka baxeen deegaanno dhowr ah ay horey ula wareegeen.

WARARKA