Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Qarax Culus Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Isniin 1, April 2024 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay degmada Dharkiinleey ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino wadada dhoneceeda la dhigay ayaa qabsatau gaari ay wateen saraakiil ka tirsan ciidanka Boolis Milatari, iyadoo jugta qaraxa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan caasimadda.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa tilmaamaya in qaraxa uu ku gweriyoodag hal askari, halka abaanduule iyo taliye horin ay dhaawcayo kasoo gaareen, kuwaasoo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah laamiga dheer ee kala qeybiya degmooyinka Dharkiinleey iyo Kaxda ee dhalinta sawirrada iyo muuqaalada isaga duubto, balse barta Miinada la dhigay waxey xigtaa degmada Dharkiinkeey.

Abaanduule iyo taliye horin

WARARKA