Thursday, October 3, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Ninkii Diley Weriye Bulxan Oo Dil Lagu Xukumay

Talaado -26-March-2024 {HMC}  Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday gacan maanta Cabdixakiin Axmed Cigaal oo lagu helay dambi ah inuu si bareer ah u diley weriye samafale Cabdikariin Axmed Bulxan oo dhowaan lagu dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dhegeysiga dacwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ehelada marxuumka.

Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa Maxkamada ka hor qirtay inuu si bareer ah u dilay weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan ka dib markii uu ku furay rasaas.

Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan oo ahaa saxafi ka tirsan Telafishinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay gacan ku dhiiglaha maanta xukunka lagu ridey.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

WARARKA