Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ruushka oo soo Bandhigay 4 qof oo ku eedeysan weerarkii dhimashada badan sababay ee ka dhacay Moscow

isniin-25-March-2024 {HMC} Ruushka ayaa Maxkamad soo taagay afar ruux oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Galbeedka Magaalada Moscow ee caasimadda Dalkaas isla markaana sababay dhimashada ku dhowaad 140 ruux halka ay ku dhaawacmeen 180 kale.

Muuqaal ku faafay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada waxaa ka dhex muuqday Ciidamo gaar ah oo garbaduub usoo xiray 4ta eedaysane oo sii gelinaya Maxkamadda si loogu xukumo xukunka u qalmo falka ay gaysteen.

Dhammaan afarta eedaysane waxa ay ka midaysan yihiin in wajiyadooda iyo qaybaha sare ee jirkooda ay ka muuqdaan jirdil xooggan oo loo badinayo in ay u gaysteen ciidamada soo qabtay ama kuwa baarista ku sameeyay.

Raggaan ayaa ku eedaysan in ay toogasho wadareed u gaysteen dad ku sugan shineemo kuwaas oo goor dambe la sheegay in ay ku jireen Carruur inkasta oo aan lasii faah-faahin inta ay tiradoodu tahay, sawirradooda ama xogtooda.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas, waxaase jira tuhun Xukuumadda Moscow ay ka muujisay Waddamada Reer galbeedka ah ee ay is hayaan maadaama raggaan lasoo qabtay iyaga oo damacsan in ay Soohdinta ka tallaabaan.

Magacyada Raggaan ayaa kala ah: Dalerdzhon Mirzoyev, Saidakrami Murodali Rachabalizoda, Shamsidin Fariduni & Muhammadsobir Fayzov, waxaana ay wajihi doonnaan xukun adag marka laga tusaale qaato qodobada loo cuksaday eeddooda.

WARARKA