Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Kadib geeridii Taliye Golcad wasiirka gaashaandhigga oo qoraal dadka soomaliyeed ka caraysiiyay soo saaray

isniin-25-March-2024 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraalka dadka ka yaabshay bartiisa Facebook soo dhigay, saacado kadib markii la dilay sarkaal sare oo xoogga dalka ka tirsanaa iyo ciidankii uu watay, qaar kalane ilaa hada nolal iyo geeri lagu la’yahay.

Qoraalka Wasiirka ayaa u muuqday mid uu ku difaacayo Xukuumadda uu katirsan, kuna mashquulay arrimaha siyaasadda, halkii uu xoogga saari lahaa shaqadii loo xilsaaray ee wasaaradda gaashaandhigga oo kaalinteedii ku fashilan.

Sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna dadku aad ula yaabeen warkii uu soo qoray Wasiir Jaamac, xilli tacsida sarkaalkaas ay buux dhaafisay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa qoraalka dadka ka yaabiyay ku yiri “Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin horaa loo yiri, hadda aber miyaa?” Hadii aragtidooda ka dhiibtay qoraalkaan waxay wasiirka u sheegeen nin aan wax arxan ah u heyn ciidamada qaranka ee loo dhiibay.

WARARKA