Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

ciidamada Ruushka oo jirdil u geestay saddex nin oo loo soo qabtay weerarka ka dhacay duleedka Moscow

isniin-25-March-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka dalka Ruushka ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen weerarkii dadka badan lagu laayay ee ka dhacay tiyaatar bandhig faneed ka socday oo kuyaalla duleedka magaalada Moskow .

Muuqaalo iyo sawirro la baahiyay ayaa lagu arkayay jirdil xooggan oo ciidamada Ruushka u geesteen saddex nin oo loo soo qabtay weerarka ka dhacay duleedka Moscow, waxaana raggan lasoo qabtay maxkamad la saaray iyaga oo jirkooda ka muuqdo jirdilka.

Ciidamada Ruushka ayaa la sheegay in ragag ay soo qabteen ku qabteen koronto sidoo kale jirdil xooggan u geesteen, waxaana la sheegay in raggaasi xaniinyaha looga qabtay koronto , sidoo kale mid kamid ah raga la hayo lagu qasbay in dhegtiisa uu cuno.

Shamsuddin Fariddun iyo Saidakrami Murodali oo ciidamada Ruushka u heestaan weerarkii ka dhacay tiyaatarka ee lagu dilay dad gaaraya 140-qof ayaa marsiinaya ciqaabo daran, si ay uga helaan xoggo ku aadan weerarka iyo dad kale oo ku lug lahaa.

Afar nin hubeysan oo katirsanaa kooxda Daacish ayaa weerar ku qaaday tiyaatar uu ka socday bandhig faneed, waxa ayna weerarkaasi ku dileen dad gaaraya 140-qof, halka ay dhaawac u geesteen tiro intaas ka badan oo qaarkood dhaawacyo halis ah qabaan.

 

WARARKA