Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

35-nin oo u dhashay dalka Iiran oo Laga Siidaayay Xabsi Ku Yaalo Soomalia

isniin-25-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa xabsi kuyaalla dalka kasii deysay 35-nin oo kaluumeesato kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo ku jira kalluumeysi sharci-darro ah.

Ku-simaha wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayay 35-nin oo bad-maaxiyiin Iran ah , kuwaa uu sheegay in dalkooda hooyo dib loogu celinayo .

Safiirka Iran u fadhiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya Ali Gholampour ayaa dhankiisa xaqiijiyay sii deysmada bad-maaxiinta kasoo jeeda Iran, waxa uuna sheegay in raggaasi dib ugu laaban doonaan dalkooda.

Soomaaliya ayaa marar kala duwan lagu xiray bad-maaxiyiin kasoo jeeda dalka Iran, kuwaa oo lagu qabtay biyaha Soomaaliya iyaga oo jilaabasho sharci-darro ah ku jiray, waxaana muddo ku xirnaayeen xabsiyo kuyaalla gudaha Soomaaliya.

WARARKA