Sabti-23- March-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xmasa Cabdi Barre ayaa ka hadlay wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka u yaalla iyo faa’ida dalka ugu jirta.
Xamse Barre ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasadeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasadeed oo doorashooyinka la xiriira.
“Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay, si aan dalku u gelin hubinti la’aan siyaasadeed, waxaan u baahan nahay hadda in guddi doorasho la magacaabo, iyaguna ay diyaariyaan axsaabtii, si dalku waqtigii loogu talagalay u galo doorasho aan muran lahayn”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.
Xamsa ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hey’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in amniga caasimadda uu ka muuqdo isbeddel u baahan in horey loo sii wado, isaga oo bogaadiyey tallaabooyinka lagu ciribtirayo dhaqamada xun-xun ee dhaawacaya bulshada Diinteeda iyo dhaqankeeda.