Arbaco-20- March-2024 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Hay’adaha Amniga, sida Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta , Taliska Guud ee Ciidanka Booliska, Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Hay’adda Sirdoonka iyo nabad sugidda Dowladda Puntland ee {PISA}.
Madaxweynaha ayaa Sarakaashii Ciidamada ka dhegaystay warbixin Amni iyo qorsheyaasha u yaalla, wuxuuna faray in lasii dardargeliyo adkeynta Amniga. Dowladda Puntland ayaa Arrinta Amniga iyo Dhismaha Ciidanka siinaysa muhiimad gaar ah, waxaana lasii amba qaadi doonnaa dhameystirka shaqadii 5-ta sano ee hore laga qabtay tababarka,
tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Dowladda Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiir Ku-xigeennada Wasaaradaha Waxbarashada, Qorsheynta iyo Dhallinyarada iyo Ciyaaraha oo saaka ka qabsoomtay Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland, iyadoo ay dhaarisay Maxkamadda Sarre.
Xubnaha la dhaariyey saaka ayaa kala ah:
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre, Mudane Maxamed Diiriye Gamadiid.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Xasaan Ibraahin
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Siciid Saalax Seed
Madaxweynaha ayaa Wasiiradda alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay sida ugu wanaagsan inay u gutaan waajibaadka loo igmaday.