Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Qarax qasaro badan geystay oo ka dhacay dalka Turkiga

Talaado-19- March-2024 {HMC} Labo qof ayaa ku geeriyootay, 6 kalena wey ku dhaawacmeen Qarax ka dhacay magaalladda Kocaeli ee Gobolka Marmara ee W/Galbeed dalka Turkiga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Qaraxday Haanta Gaaska oo taallay Warshad ku taalla magaalladda Kocaeli oo ah magaallada ugu Wershadaha badan dalkaasi.

Baaritaano ayey Ciiddanka Boliska wadaan, si loo ogaado waxa sababay Shilkaasi iyo Khasaaraha Nafeed iyo mid Qalab ee ka dhashay.

WARARKA