Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dibed- baxyo looga soo horjeedo Benjamin Netanyahu oo ka dhacay gudaha wadanka Israa’iil

Axad-17-March, 2024 {HMC} Kumanaan mudaaharaadayaal ah ayaa habeenimadii xalay buux dhaafiyay waddooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, iyagoo ugu baaqayey dowladda inay is casisho, waxayna dalbanayaan sii deynta la haystayaasha lagu haysto Gaza.

Bannaanbaxayaal iskugu soo baxay laba waddo oo muhiim ah oo ku yaalla Tel Aviv ayaa ugu baaqay dowladda Israa’iil inay is casisho, iyadoo qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha la arkayay iyagoo dab qabadsiinaya taayero.

Dibad-baxayaashu waxay xireen jidka Ayalon Highway oo ah waddo weyn oo isku xirta magaalada Tel Aviv – waxayna ku dhawaaqayeen, “Ma jiro wax ka muhiimsan, qof kasta oo la haysto waa inuu soo noqdaa.”

Na’ama Lazimi, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Israa’iil, ayaa lagu dhex arkayay dibadbaxayaasha oo ku sugnaa waddada weyn.

Sidoo kale Kumanaan ka tirsan qoysaska la haystayaasha Gaza ayaa dalbaday in la sii daayo ehelkooda fiidnimadii Sabtida. Muuqaal laga soo duubay baraha bulshada ayaa lagu qabtay dad mudaaharaadayaal ah oo ku baaqayay doorasho meel u dhow guriga gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku yaalla Jerusalem.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in ay ogolaadeen codsiga ah in la qabto mudaaharaadyada, laakiin waxa uu intaa ku daray in “tiro mudaaharaadayaal ah ay si sharci darro ah isugu soo urureen waddada Menachem Begin waxayna bilaabeen in ay jebiyaan amarka iyaga oo dab ku shiday waddada oo xannibay dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

WARARKA