Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidamada NISA, Galmudug & Puntland oo howlgal wadajir ka sameeyay magaalada Gaalkacyo

Axad-17-March, 2024 {HMC} Howlgallada sugidda Amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay iska kaashanayaan ciidanka Asluubta ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Ciidanka Booliiska Galmudug oo ay wehliyaan Ciidanka xasilinta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmdug ayaa galay habeenkii lixaad.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in shacabku ay doorkooda ka qaadanayaan howlgalka sugidda Amniga.

“Howlgalkan qorshihiisa koowaad waa ka hor tagista falalka argagixisanimo maadaama khawaarijtu ay caado ka dhigtaan waqtiyada cibaadada in ay Muslimiinta dhibaateeyaan, iyagoo dagaal kula jira gudashada cibaadada iyo Waajibaadka Rabbi” ayuu yiri Taliyaha

Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro ku eedeeysan dhibaateeynta shacabka iyo isticmaalka maandooriyaha oo isagu qeyb aad u weyn ka qaata amni darrada

Saraakiisha caawa hogaaminyay howlgalka ayaa sheegay in ay ciidamadu xil gaara iska saarayaan sidii shacabku ay si nabadgalyo ah u gutaan cibaadada Alle inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan

WARARKA