Thursday, September 19, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay kuxigeenkii madaxa jabhada AS

Sabti-16-March, 2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa howlgal qorsheysan ku dilay saraakiil iyo dagaallamayaal katirsan kooxda AS.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna ayaa sheegtay in ciidanka galeen deegaanno ay ku sugnaayeen AS ayna halkaasi ku dileen saraakiil katirsan AS oo ciidanka dowladda kudaba jireen.

Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay in ay jidka u galeen gaari ay ku safrayeen xubno katirsan AS oo xilligaasi marayay deegaanka Dumaaye, waxa ayna halkaasi ku dileen todobo xubnood oo katirsan AS ay ku jireen saraakiil.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalka xubnaha lagu dilay uu ku jiro Maxamed Isaaq Aw-raage (Maracadde) oo ahaa kuxigeenka madaxa jabhada AS ee gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Waxa ay sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga sheegeen in howlgalka lagu dilay sargaal kale oo ajnabi ah oo katirsanaa AS iyo shan xubnood kale oo iyana ilaalo u ahaa saraakiisha la dilay.

Ciidanka xoogag dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan magaalada Xarardheere ayaa bilaabay fulinta howlgalo qorsheysan ay ku beegsanayaan kooxda AS ee ku safarta waddooyin katirsan koonfurta gobolka Mudug.

WARARKA