Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Xasan sheikh oo Villa Somalia casho sharf ugu sameeyay Danab, kana dalbaday Arrimo xasaasi ah

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan casho ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa maalmo ka hor dalka Kenya uga qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen, waxayna halkaas Danab ka dhigtay wacdare ka yaabiyey ciidamadii wadamada kale ee ka qeyb galay dhoolatuska.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare oo ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda Soomaaliya oo u baahnaa in laga gudbiyo maqal wanaagsan, maadaama waayo badan uu dalkani ku jiray burbur.

Madaxweyne Xasan ayaa ciidan Danab kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay qeybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka kooxda AS

Xasan Sheekh soo hadal-qaaday dagaalka ka socda gobollada dhexe, wuxuu sheegay in natiijo fiican laga gaaray, balse dhul badan uu weli ku jiro gacanta cadowga.

Wuxuu sheegay in Muqdisho ilaa Gaalkacyo dhulka laamiga ah iyo Muqdisho ilaa Xarardheere dhulka xeebta ay ciidamada qaranku ka xoreeyeen AS, hadana loo baahan yahay in deg deg loo dhameystiro howlgalka ka socda HirShabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka qaranka markii ay guud ahaan gobollada dhexe ka xoreeyaan AS lagu wareejiyo doono saldhigyada ku yaalla gobollada koonfurta ee ciidamada ATMIS ay baneynayaan gabagabada sanadkaan.

Madaxweynuhu sooma hadal qaadin deegaanada gobolka Mudug ee maalmihii lasoo dhaafay ay ciidanku ka baxeen, balse wuxuu sheegay in dhulkaas lagu waayey dad qaali ah, hadana loo baahan yahay in Danab ay hoggamiso howlaglka.

WARARKA