Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Ururka Kubadda Cagta Falastiin wuxuu ka murugoonayaa geerida Muhammad Barakat, ciyaaryahan caan ah oo ku dhintay weerar Israa’iili ah oo ka dhacay Khan Younis. Cayaaryahankaan ayaa loo yaqaaney ‘Halyeeyga Khan Younis’, geerida Barakat waxay si cad u muujineysaa saameynta colaadda socota ku leeyahay ciyaartoyda iyo ciyaaraha Falastiin.
Ilaa hadda, 157 ciyaartoy Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 90 ciyaartoy kubadda cagta, ayaa la dilay tan iyo Oktoobar 7, PFA waxay iftiiminaysaa saameynta burburka leh ee colaadda ku leedahay isboortiga iyo nolosha Falastiiniyiinta.