Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay raashin dhacay iyo ganacsadihii oo…

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Hay’adda Tayo Dhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda magaalada Muqdisho ku qabatay kunteenaro ay ku jireen bur dhacay, kaa oo la doonayay in gudaha loo galiyo magaalada laguna iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay burkan dhacay oo laga keenay dalka Turkiga ayaa la sheegay in uu soo degsaday ganacsade Soomaaliyeed, waxaana baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in burkan uu yahay mid dhacay oon suuqyada lagu fasixi karin.

Agaasimaha waaxda kormeerka ilaalinta tayada waaxda suuqyada ee hay’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fiidshi ayaa sheegay in dekadda Muqdisho ku qabteen kunteenaro ay ku jireen bur uu sheegay in bishan uu dhacay .

Waxa uu sheegay Fiidshe in burka ay qabteen uu gaarayo todobo kunteenar, waxa uuna caddeeyay in burkaasi hay’adaha dowladda ka gudan doonaan waajibkooda ayna hor istaageen in magaalada la galiyo oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Tayo Dhowrka ayaana uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed in dalka soo galiyaan raashin iyo daawooyin dhaca oo dhibaatooyin dhalin kara, waxa ayna hayadda sheegtay ciddii raashin ama daawo dhacda dalka keenta laga qaadi doono tallaabo.

Dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaana mararka qaar laga soo dejiyaa raashin iyo daawooyin dhacay, kuwaa oo saameyn iyo dhibaatooyin caafimaad darro u keena bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala.

WARARKA