Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Duqa Muqdisho Oo Soo Saaray Amarro Ka Dhan Ah Hoteelada iyo Maqaayadaha

isniin-11-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa soo saaray amarro lagu xirayo maqaayadaha iyo sidoo kale hoteelada kuyaalla Muqdisho, xilliyada maalintii ah inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaale ayaa sheegay in mamnuuc tahay in magaalada lagu arko maqaayad ama hoteel lagu iibiyo raashin oo furan xilliyada maalintii ah, waxa uuna sheegay in kaliya goobahaasi fasax u yihiin iibinta raashinka habeenkii.

Duqa Muqdisho ayaana ugu hanjabay maqaayadaha iyo hoteelada jabiya amarka uu soo saaray in laga qaadi doono ruqsada ay ku shaqeestaan, waxa uuna sheegay in lala socon doono kuwa jabiya amarka ay soo saareen.

Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir joojiyay in hoteelada magaalada Muqdisho lagu qabto xafladaha arooska ee lagu gaaro waqtiga dambe, waxa uuna sheegay in xaflad sii socon karin waxii ka dambeeya 12:30 daqiiqo saqda dhaxe.

Hoteel furnaan kara ma jiro wixii ka dambeeya 12:30 habeenimo, gabdhaheena waxa fasahaadiyay waa aroosyada waaga loogu diirayo” ayuu yiri guddodomiye Yuusuf oo intaa ku daray “Hadii maqrib ilaa 12-ka habeenimo kuugu filneyn aroos ma ahan ee iska daa wax kale ayaa ku hoos jira” ayuu yiri Yuusuf Madaale.

Bisha Ramadaan inta lagu jiro waxaa la xiraa inta badan maqaayadaha waa weyn iyo hoteelada lagu iooniyo raashinka nuucyadooda kala duwan xilliga maalintii ah, waxaasa jira maqaayado yar yar oo ay isugu tagaan kooxaha masoomayaasha ah kana helaan raashin.

WARARKA