Friday, September 20, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

isniin-11-March,-2024-{HMC} Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo kale oo saaxiib la ah ayaa howlgal qorsheysan ay ku beegsadeen xubno katirsan kooxda AS, ka fuliyay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

War lagu baahiyay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in howlgal dhinaca cirka ah laga fuliyay deegaan ay isku aruursanayeen xubno katirsan AS, kuwaa oo qorsheenayay in weeraro ay fuliyaan.

Weerarka ayaa lagu sheegay in lagu dilay saddex xubnood oo katirsanaa AS , sidoo kale lagu dhaawacay dagaallamayaal kale oo kooxdaasi katirsanaa, saraakiisha dowladda ayaana sheegay in dhagartii kooxdaasi la weeraray maleegayeen la bur buriyay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dowladda Mareykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo cir iyo dhul ah ka waday deegaanno katirsan Shabeelaha Hoose, halkaa oo AS ka wadeen abaabulo .

WARARKA