spot_imgspot_imgspot_img

Tiro madaafiic hoobiyaal ah oo xalay ku dhacay xaafado Ka tirsan magaalada Muqdisho.

Axad-10-March,-2024-{HMC} Waxaa soo faahfaahino ku saabsan madaafiic hoobiyeyaal ah oo xalay saqdii dhex ku dhacay xaafado iyo xarumo ku yaalla woqooyiga & bartamaha magaalada Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa daryankooda laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada xili dadka qaar ay hurdayeen kuwo kalena ay isku diyaarinayeen iney jiifka tagaan.

Meelaha ay ku dhaceen sida wararku nagu soo gaarayaan waxaa ka mid ah xerada gaadiidka Booliska oo ku taalla degmada Shibis, xarunta dhexe ee taliska Nabad sugida Qaranka NISA ee isla degmadaas iyo xaafado ka tirsan degmada Boondheere.

Askari ka tirsan ciidanka Booliska oo ka mid ahaa ciidamo ku sugan xarunta gaadiidka booliska ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha kale ee ka dhashay madaafiicdan.

laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin madaafiicdan xalay ku dhacday qeybo ka mid ah caasimada oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso kooxda Al shabaab ee dagaalka kala so horjeeda DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

WARARKA