spot_imgspot_imgspot_img

R/W Xamza oo si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Talaadoโ€“ 05-March,-2024-{HMC} Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta ayaa si adag uga hadlay arrimo musuq-maasuqa ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen xubnaha beesha caalamka iyo wasiirada dowladda federaalka ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha maaliyadda ee dalka.

Xamza oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa suโ€™aallo ka keenay warbixinnada soo laa laabta ee ay oomaaliya ka gasho kaalinta u hooseysa dalalka ugu badan musuqa.

Raโ€™iisul wasaaraha ayaa is weydiiyay cidda sameysay musuqa, isaga oo tusaale usoo qaatay golihiisa wasiirada.

โ€œWaxaa la sheegaa inuu jiro musuq-maasuq badan, Soomaaliya International Transparency waxay nagu soo qortaa meel aad u fool xun yaa wada xaggee ka timid, yaa masโ€™uul ka ah, ma anigaa musuq-maasuq sameeya? xagggee musuq-maasuqa ka yimid ma heerka wasiirada mise Xalane ayay fadhidaaโ€ ayuu is weydiiyay raโ€™iisul wasaare Xamza Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay โ€œWaxaa laga yabaa in aysan wanaagsaneyn wada shaqeynteenna, waxaa laga yaabaa inuu shaki nagu dhex jiroโ€

Xamza oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore laga hagaajiyo wada shaqeynta, kadibna laโ€™is aamino, si looga shaqeeyo horumarka guud ee dalka.

โ€œWaxayu u baahanahay in laโ€™si fahmo, bal horta aan wada shaqeynta ku heshiino, Soomaalida gudaheeda iyo saaxibadeenna caalamkaโ€ ayuu mar kale yiri Xamza.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay dhowaan qaaday tallaabooyin ka dhan ah musuqa oo loo soo xiray masโ€™uuliyiin haatan la maxkamadeynayo.

WARARKA