spot_imgspot_imgspot_img

Ma dhabaa in Turkiga Dhexdhaxaadinaayo Soomaaliya iyo Itoobiya?

Talaado– 05-March,-2024-{HMC} Waxaa labo bil jirsaday xiisada u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee sal-ku-heysa is-afgaradka la xiriira in Addis Ababa ay marin baddeed oo toos ah iyo saldhig ciidanka badda ah ka hesho Somaliland, iyada oo ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland uu sheegay inay Itoobiya noqoneyso dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi caalami ah siiya.

Is-afgaradka oo la shaaciyay maalinkii ugu horreeyay ee sanadkan ayay Hargeysa ku hanweyn tahay in la dhaqangeliyo kadibna marka ay soo dhammaadaan wada-xaajoodyada u socda labada dhinac.

Laakiin Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay is-afgaradku in uu yahay ‘duulaan qaawan’ oo lagu soo qaaday xornimada iyo wadajirkeedka dhuleyd ayaa diiday inay wada hadal-kala-gasho arrinka Itoobiya, sida uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka sheegay fadhigii shir madaxeedka Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku adkeysaneysay in aysan wada hadal la gelin Itoobiya ilaa laga noqdo is-afgaradka, laakiin waxaa hadda muuqda suurtogalnimo wada-hadal labada dhinac ah sida ay muujinayaa xogaha laga helayo Nayroobi iyo Ankara.

 

Kaalinta madaxweyne Erdogan ee dhexdhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya

Waxaa jiray dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonaayay in lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada wadan, hase yeeshee midna ma midho dhallin – Soomaaliya oo xujadeedu noqotay sida keliya ee ay wada hadal ku aqbali kartaa in uu yahay in Itoobiya ka noqoto is-afgaradka ay la gashay Somaliland.

“Haddii aad wax tabanaysid, wax tabashadada waxaa lagu fuliyaa xoog ama hadal – marka hadda xoog ciidan aan abaabulayno oo aan Itoobiya qabsanayno muusan jirin, in aan dhahno wada hadli maynana diblumaasiyad fiican ma’aha – waxaase laga yaabaa in ay ahayd cadaadis ay dowladda Soomaaliya ku muujinaysay xanaaqeeda,” ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Ciise Cawad oo ka hadlaayay muhiimadda ay leedahay in wadahadal Soomaali ka gasho tabashadeeda.

Madaxweynaha ayaa markuu ka qayb galay shirkii Nairobi waxuu u duulay dalka Turkiga halkaas oo uu kaga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antalya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo isna ku sugnaa Madasha ayaa warraysi uu siiyay Anadolu waxuu ku sheegay in Turkigu door muhiim ah ka ciyaari karo dhexdhexaadinta labada wadan isagoo xusay in Turkigu xidhiidh fiican la leeyahay Addis Ababa.

“Turkigu waxuu ka ciyaari karaa kaalin fiican, [xiisadan u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya], awood iyo saaxiibtinimo ay Itoobiya ku cadaadiyaana waa leeyahiin danno badana wayka dhexeeyaan labada wadan ee Turkiga iyo Itoobiya waana dalalka awoodda badan mid ciidan iyo mid dhaqaale, Turkiduna marna danta dadka turkiga ah uma dayacayso danta dal kale,” Axmed Ciise Cawad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in heshiiska amni iyo difaac ee Soomaaliya iyo Turkiga uusan xiriir la lahayn khilaafka iyo xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, arrinkaas oo markii hore la la xiriiriyay heshiiskan oo baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen iyaga oo aan arkin oo aan akhrin.

Xigasho BBC

WARARKA