Sunday, September 8, 2024
spot_imgspot_imgspot_img

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo lagu dhawaaqayo

Arbaco-Feb-28-2024-{HMC} Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku dhawaaqo Xubnaha cusub ee Golihiisa Wasiirada.

Mudda 30 cisho ah oo Baarlamanka Puntland ugu daray Madaxweyne Deni in uu ku soo dhiso Xukuumadda cusub ayaa ku eg maanta oo Arbaco ah kuna beegan 28 Febaraayo 2024.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Xukuumadda cusub uu ka ballaaran yahay kii hore, isla markaana lagu soo kordhiyay wasaarado cusub kadib markii la kala qaaday Wasaaradaha qaarkood.

Sidoo kale wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Rag horay uga tirsanaa Xukuumaddii mudda xileedkii hore ee Madaxweyne Deni oo mar kale kasoo muuqan doonaan Golaha Wasiirada cusub.

WARARKA